Dawladda Itoobiya Oo Aan Weli Soo Magacaabin Qunsulkii Hargeysa U Joogay Ee Ay Kal Hore Bedeshay

Hargeysa(HCTV) – Dawladda Itoobiya ayaan weli soo magacaabin wakiilkii u joogay caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay  bishii August ee kal hore bedeshay danjire  Shamsudiin Axmed Rooble oo xafiiska Itoobiya ee Hargeysa safiir ka ahaa.

Lama garanayo sababta ay dawladda Itoobiya muddo toban bilood ku dhow u soo magacaabi weyday danjrihii u joogay Hargeysa. 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Faratoon, oo bishii November ee kal hore u warramay wargeyska The reporter ee ka soo baxa Itoobiya ayaa wuxuu ka hadlay maqnaanshaha qunsulka Itoobiya ee Hargeysa fadhiyay,  waxaanu wakhtigaas sheegay in deg deg loo soo magacaabi doono danjiraha cusub, “Waxaan doonayaa inaan caddeeyo in xidhiidhkayaga diblomaasiyadeed uu yahay mid adag waxaana lanoo sheegay in diblomaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono. Waxaanu arrintan ka wada xidhiidhnay  diblomaasiyiin iyo janalo kaleba.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Hadalkaas Wasiir Faratoon ayaa waxa ka soo wareegay muddo toddoba bilood ah, ilaa wakhtigana lama hayo qunsul cusub oo ay dawladda Itoobiya u soo magacowday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Inkastoo wakhtigan aynu joogno xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu shaqada u hakiyay xanuunka Covid_19 ee dunida gilgilay, haddana joogitaanka qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ayaa muhiim u ahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo nabadgelyo ee labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo xogta uu ka hayo sababta uu ilaa hadda u maqanyahay qunsulka Itoobiya ayaanay noo suurtogelin.

Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkii 2019 la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu beddelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika