Deegaannada Jubbaland Oo Laga Mabnuucay Xidhashada Niqaamka

Jubbaland (HCTV) – Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa deegaannada uu ka taliyo ka Mabnuucay xidhashada Nidaamka ama Indho-shareerka ay Dumarku adeegsadaan.

Maamulka ayaa sidaa u yeelay Cabsi laga qabo Falal Amniga lid ku ah, kuwaasi oo ka dhici kara deegaannada Jubba-land.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal War-gelin ah oo ay soo saartay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee Dawlad Gobolleedka Jubba-land.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa Qoraalkeeda ku sheegtay “Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war-gelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaannada Jubbaland inay ka feejignaadaan adeegsiga ama Xidhashada Indho-shareerka oo kol hore la mabnuucay.”

Hay’addu waxay sheegtay in sababta loo Mabnuucay tahay in aanay sifo khaldan uga faa’idaysan waxay Hay’addu ku sheegtay Cadowga Ummadda Soomaaliyeed “iyadoo laga hor-tagayo khatarta amni ee ka dhalata Xidhashada Niqaamka amba Indho-shareerka, waxa suurto-gal ah in Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ka faa’idaystaan Xidhashada Shareerka xilligan adag ee lagu guda jiro ka hor-tagga Aafada Covid_19. Shacabka, Rag iyo dumarba waxay si siman u isticmaali karaan Gafuur-xidhka afka Qalaad lagu dhaho Face Mask.”

Ugu dambayn, Hay’addu waxay shacabka ka codsatay inay ka qayb-qaataan ilaalinta Amniga “Ka qayb qaado ilaalinta Amniga xilli walba iyo xaalad walba..” ayaa la yidhi, qoraalka ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka