Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ka Daadguraynaya Somalia Xili COVID19 Ku Dhawyahay 1,000

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda dalka Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ka daad guraynaysa Soomaaliya, maadaama oo cudurka COVID19 uu si xawli ah ugu fidayo, sidaasi waxa lagu sheegay digniin ka soo baxday Safaarada ay ku leeyihiin Muqdisho.

Sida lagu sheegay digniintan caafimaad, waxa muwaadiniinta maraykanka ee Somalia lagaga daadgurayn doonaa diyaarada Ethiopian Airlines ooh al safar oo kali ah loo diiwaangalin doono, waxaanay safaaradu intaasi ku dartay in aanay damaanad qaadi Karin duulimaadyo mustaqbalka ah oo kale.

“Safaaradu waxa ay si adag ugu boorinaysaa dhamaan muwaadiniinta Maraykanka in safarka ay kaga imanayaan Somalia ay isku diiwaangalin karaan oo kaliya sida ugu dhakhsaha badan xiligan.

Digniinta ayaa imaanaysa iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska la xaqiijiyey ee COVID-19 ee Soomaaliya. Sabtidii, Soomaaliya waxay diiwaangalisay 997 kiis iyadoo 69 kiis isla Sabtidii la diiwaalgaliyey.
Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka, cudurka wuxuu ku faafay dhammaan gobollada qaybta ka ah hanaanka federaalka. Deegaamada ay sida ugu badan u saameeyeen waxa ku jira Puntland iyo gobolka Banaadir oo ay ku jirto Jamhuuriyada Somaliland.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.