Dowladda Jabuuti Oo Shaaciyay Inay 7 Bilood Ka Hor Bixisay Lacagihii Gurmadka Baladweyne

Jabuuti, (HCTV) – Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Soomaaliya lacag dhan $600,000, taasoo loogu talo galay gurmadka fatahaada Baladweyne.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello), ayaa sheegay dowladdiisu inay kasoo baxday waqtigii loogu talo galay inay dhaqaalahaas kusoo gaarsiiso Soomaaliya, balse aysan masuul ka ahayn habka loo maamulay iyo inay ku far galiyaan dowladda oo ay gargaarkaan ku hagaajiyeen.

“Anagu inaan dowladda Soomaaliya u maamulno ma ahan waajibaadkayaga. Kalsooni weyn ayaan ku qabnaa wixii shicibkooda loogu dhiibo inay gaarsiinayaan,” ayuu yidhi  Aadan Xasan Aadan.

Guddigii fatahaada Baladweyne ayaa dhawaan dowladda ku eedeeyay bixin weyday lacagihii gurmadka Baladweyne. Laakiin maalin kadib warkaas madaxweynaha Hirshabelle ayaa bartiisa twitterka kusoo bandhigay lacagtii dowladda Jabuuti ugu talo galay Baladweyne.