Al-Shabaab Oo Ku Dhawaaqay Guddi La Socota Cudurka Coronavirus Ee Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Ururka Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday guddi la socda xaaladda cudurka Covid19, kadib markii ay kulan iskugu yimaadeen Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka kooxda.

Bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen guddi kormeer ah oo 7 xubnood ah oo ay ku jiraan culumaa’udiin, dhakhaatiir iyo waxgarad, oo loo xilsaaray inay la socdaan xaaladda caafimaad ee dhulka ay gacanta ku hayso kooxda.

Al-shabaab waxay sheegeen in tirada dadka ka cararaya magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ee uu saameeyay coronavirus ay dhalisay magacaabista guddigaan cusub, sida lagu sheegay bayaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in guddigu ay soo jeedin doonaan talooyin ku saabsan xaaladda caafimaad ee gobollada ay ka taliyaan isla markaana ay bilaabi doonaan hawlgal isla marka ay saraakiisha sare bixiyaan amar.

Kooxda waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta gobolka inay bixiyaan taageerada loo baahan yahay oo ay fududeeyaan dadaallada ay wadaan guddiga si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus ee meelaha ay ka taliyaan.

Sida lagu sharxay bayaanka, kiisaska coronavirus-ka wali lagama helin magaalooyinka iyo gobollada ay ka taliyaan Al-Shabaab, laakiin kooxda ayaa hadda doonaysa inay qaaddo tallaabooyin taxaddar leh iyada oo ay ku soo qulqulayaan dadka ka soo cararaya magaalooyinka ay dhibaatadu sida weyn u liidato. oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Kismaayo iyo Jowhar.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay in cudurka coronavirus, ay Soomaaliya ku faafinayaan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo wadamada taageera.