Burundi Oo Dalkeeda Ka Eriday Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan WHO

Burundi, (HCTV) – Dawladda Burundi ayaa dalkeeda ka Eriday Saraakiil sare oo ka Tirsan WHO, kuwaas oo kala shaqaynayay xakamaynta Covid-19.

Saraakiisha WHO, ayaa dawladdu ku tilmaantay kuwo aan dalkaasi laga rabin (Persona Non Grata), loona baahan yahay inay jimcaha ka baxaan dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi ayaa warqad uu arrintaasi ku ogaysiinayo u diray waaxda Afrika ee WHO.

Lama oga sababta faahfaahsan oo muujinaysa sababta burundi ku diidan tahay shaqaalaha hay’adda Caafimaadka aduunka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.