Madaxweynaha Somalia Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha dowladda Federalka ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahii Maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyahii maxkamadda racfaanka gobolkaasi, isagoo xilalkaasi u magacaabay laba garyaqaan oo kale.

Talaabadan Madaxweynaha Somalia uu xilalka kaga qaaday gudoomiyeyaashaasi ayaa ka timid soo jeedintaas ay uu usoo gudbiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed, ayaa laga qaaday xilka Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo uu soo hayey tan badhtamahii sanadkii 2018-kii, waxaana loo magacaabay Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo bartay Culuumta shareecada iyo qaanuunka, halka maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, waaxaana xilkaasi loo magacaabay Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabada xilka qaadista ah uu ku sameeyay Guddoomiyayaasha maxkamadaha gobolka Banaadir waxay kusoo beegmaysaa xilli khilaaf adagi ka dhex jiro waaxda garsoorka Somalia, gaar ahaan guddoomiyayaasha la bedalay iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Inkastoo madaxweynaha warqadda uu ku shaaciyay isbedalkaan lagu qoray ammaan badan oo uu ujeediyay guddoomiyayaasha uu bedalay, haddana waxaa la eegayaa is-bedalka garsoorka gobolka Banaadir ay kusoo kordhiyaan Garyaqaannadan cusub ee maxkamadahan loo dhiibay.