Iran Oo Shacabkeeda U Ogolaatay In Ciid-al-Fitriga Ku Tukadaan Goobo Furan

HomeSomali News

Iran Oo Shacabkeeda U Ogolaatay In Ciid-al-Fitriga Ku Tukadaan Goobo Furan

Somaliland: Qodobbada Heshiis Laga Gaadhay Khilaafkii Komiishanka Iyo Doorashooyinka
“Reer Awdal, Xaq Umalaha Inay Matalaan 13 Xildhibaan..” WADDANI
Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Xil ka Qaadistii Raysal-wasaare Khayre
Xukuumada Somaliland Oo Go’aamo Cusub Ka Soo Saartay Cudurka COVID19
Wasiirka Ciyaaraha Oo Canaantay Qurbe-joogta Reer Sanaag (Akhri)

Tehran, (HCTV) – Xoghayaha guddida la dagaalanka cudurka Coronavirus ee dalka Iran, Xusayn Kazemi ayaa sheegay in salaada Ciidal Fitrigu ay ka dhici doonto goobo furan sida garoomada kubadda lagu ciyaaro iyo dhamaan meelaha kale ee banaan ee ku yaala guud ahaan magaalooyinka dalka Iran.

Waxaanu intaasi ku daray Mr Hossein Kazemi, Xoghayaha Guddida la dagaalka Coronavirus ee dalka Iran in aan la ogolaan doonin meelaha ay dadku aadka ugu tirade badan yihiin, sida ay ku warantay wakaalada Wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ee (IRNA).

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hudheeladu la furi doono ramadaan ka dib, iyadoo la qaadi doono in lagula xiisaabtamo ilaalinta caafimaadka iyo nadaafada guud.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS