Jabuuti Oo Covid_19 Kula dagaalamaysa Daawada Cudurka Kaneecada

Hargeysa (HCTV) – Dalka Jabuuti ayaa Xanuunku dunida ku faafaya ee Covid_19 wuxuu gaadhay oo uu ku dhacay Dad dhan 1,800 Qof, taasina waxay ka dhigaysaa Dalalka Afrika kuwa uu Dadka ugu badan ku soo ritay.

Xanuunka Covid_19 ayaa Qaaradda Afrika waxa ku dhacay dad gaadhaya 100.000 (boqol kun oo Qof), laakiin Jamhuuriyadda Jabuuti waxa xanuunkaa ka soo kabtay 1,000 Qof oo ka mid ah 1,800 ee uu haleelay.

Madaxa Xarunta guud ee la tacaalidda Covid_19 ee Jabuuti ayaa sheegay inay Dadka xanuunku ku dhacay siiyaan daawada lagula dagaalamo Xanuunka duumada ama Kaneecada ee (chloroquine), taasina waata keentay ama sababtay in Dadka Jabuuti ugu dhimanaya Xanuunku u yaraato, hase-ahaatee Saynisyahannadu waxay wer-wer ka muujinayaan isticmaalka Daawada chloroquine loo adeegsanayo Covid_19.

Dadkii ugu horreeyay ee Jabuuti kaga soo kabta Xanuunka ayaa ahayd bishii March, 2020, xilligaasna waxa Dawladda Jabuuti iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay jideeyeen in Hab adag loola macaamilo Dadka Xarunta Shaybaadhka la soo xidhiidha ee qaba ama doonaya in laga hubiyo Covid_19, laakiin Habkaasi wuxuu sababay in muddo kooban tirada dadka uu xanuunku soo ritay inay gaadho 77 Qof, taasina waxay Jabuuti ka dhigtay Dalalka uu Xanuunku dadka badan ku soo ritay Qaaradda Afrika oo guud ahaan Dadka uu ritay illaa hadda marayso 100.000 kun.

Xanuunka Covid_19 wuxuu ku dilay illaa 9 Qof.

In Daawada Malaariyada ee Chloroquine loo isticmaalo Covid_19, waxa hore uga soo horjeedsaday isla-markaana Cambaareeyay Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Doland Trump.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka