Somaliland: Tirada Kiisaska Covid19 Oo 200 Kor U Dhaafay

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la wadaagay warbixinta maalinlaha ah ee Cudurka Covid19 ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeye 90 qof oo baadhintaan lagu sameeyey 35 ka mid ah laga helay Fayraska Coronavirus.

Dr Xergeeye ayaa intaa ku daray in taradan cusub ee Fayraska Coronavirus ay ka dhigayso wadarta guud 203 qof oo qaba xanuunkaasi guud ahaan Somaliland, halka dadka u geeriyoodayna ay tiradoodu yihiin 15 qof.