Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 254

HomeSomali News

Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 254

Madaxweyne Trump Oo Kulan La Yeelanaya Shirkadaha Baraha Bulshada
Qodobo Laga Soo Saaray Shir Boorama Ay Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Awdal Iyo Odayaasha Dhaqanku
Culimada Muslimiinta Ethiopia Oo Shir Ku Yeeshay Addis-Ababa Iyo Abiy Axmed Oo Ka Qaybgalay
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ayaa Ka Hadlay Xaalada Somaliland Iyo Arinka Jabhada Caare
WADDANI Oo Kali-Talisnimo Ku Tilmaamay Wareegto Ka Soo Soo Baxday Xukuumadda

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 32 Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasaaradda Caafimaadku waxa kale oo ay sheegtay in hal Qof oo kale uu u Geeriyooday Xanuunka Covid_19, taasina waxay Tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysaa 18 Qof.

32 Qof ee Maanta laga helay Xanuunka ayaa tirada guud ahaan Dadka Somaliland ku sugan ee Xanuunka laga helay ka dhigaysa 254 Qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Warkan Warbaahinta siiyey ayaa sheegay in Dadka Xanuunka laga helay Da’doodu u dhaxayso 19 illaa 89 Jir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS