Diyaaradd Sida 132 Qof Oo Soomaali Ah Oo Ka Soo Dagtay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa sheegaya in diyaarad sida 132 qof oo Soomaali ah oo u badan dumar iyo Caruur ay ka soo dagtay caawa Muqdisho.

Diyaarada ayaa dhamaan dadkan ka soo qaaday dalka Sucuudi Carabiya ka dib markii sida la sheegay Madaxweyne Farmaajo uu codsaday in dadkaasi la soo daadgureeyo.

Hase yeeshee bishii u dambaysay ayaa dawladda Somalia waxa ay bilawday in muwaadiniinteeda ku sugan dibada ay dib ugu soo celiso Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.