Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Wakhtiga U Kordhiyay Ciidamada AMISOM

New York, (HCTV) – Golaha Ammaanka ayaa isku raacay kulan 29-kii March ku dhexmaray khadka Internet-ka in wakhtiga loo kordhiyo howlgalka ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

Waxaanay isku raaceen in muddo Sagaal bilood ah loo kordhiyo, iyadoo sabab looga dhigay si ay u taageeraan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee qorshaysan 2020/2021.

Waxaa go’aankaan isku raacay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka, kadib markii ay ka doodeen qaraar tirsigiisu ahaa 2520 oo ka hadlayay joogitaanka ciidamada Amisom ee gudaha Soomaaliya.

In ka badan 19,626 askari oo katirsan howgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya. Muddada loo kordhiyay ayaa ku eg horaanta sanadka soo socda ee 2021.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay ciidamada Amisom qabandoonaan shaqooyin ay kamid yihiin, in ay  dib-u-habeyn ku sameyso howlaha lagu taageerayo Qorshaha Kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya; ka caawinta sugidda iyo dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee sahayda, oo ay ku jiraan meelaha laga qabsaday Al-Shabaab; qabashada hawlgallo qorsheysan oo lala beegsanayo Al-shabaab iyo taageerista Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku aaddan hirgelinta xayiraadda guud ee dhoofinta dhuxusha.

Goaha ammaanka wuxuu ku baaqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wuxuu ugu yeeray labada dhinac inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isagoo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay kamid yihiin,  gaadhitaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka.