Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Lacagihii Loogu Talogalay La Dagaalanka COVID19 Ee Guddida Lagu Wareejiyey

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Gudoomiyaha Guddida u-diyaargarowga iyo ka hortagga Xanuunka Corona-Virus, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saxaafadda warbixintii Guddida la wadaagay Maanta ayaa faahfaahin ka bixiyey lacagihii loogu talay la dagaalanka cudurka COVID19 iyo siday u maareeyeen.

Cabdiraxmaan Saylici Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaanu maanta halkan usoo istaagnay in shacabka Somaliland aanu ka saarno wararka mala-awaalka ah ama kutiri ku teenta ah ee dadka lagaga leexinayo la’ dagaalanka aynu kula jirno xanuunka COVID19, iyadoo la dareensan yahay in xanuunkaasi uu keenayo saamayn dhaqaale iyo mid caafimaadba.

Xukuumaddu waxay qoondaysay lacag $4.5 Milyan dollar ah oo loo kala qaybshay afar qaybood, oo qaybta 1aad ay tahay $1.5 Milyan oo dollar ah (halmilyan iyo badh dollar) oo ah la dagaalanka ama ku socodsiinta ama ku soo iibinta wixii caafimaadka khuseeya iyo Hal milyan oo dollar ($1 Milyan dollar) oo ku aadan in lagu taakuleeyo danyarta Somaliland, gaar ahaana magaalooyinka degan ee uu saameeyey xanuunkani shaqooyinkoodii. Hal Milyan oo kalena ($1 Milyan dollar) waxa loogu talo galay oo sanduuq loogu shubay in ganacsatada yaryar (small business-ka) ee uu saameeyo xanuunkani ee saamaynta xanuunkani ay ganacsigooda ka baabiisay in kor loogu soo qaado, iyadoo sanduuqaasi uu furan yahay, ganacsatada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba inay cid waliba wax ku soo darto. Hal milyana waxa uu ahaa ($1 Milyan dollar) mid loogu talo galay in lagu dhiirigaliyo beeralaydii wax soo saartay ee sanadkii kal hore uu dalagu aad u soo baxay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici.