Masaajidka Al-Aqsa Oo La Furay 2 Bilood Ka Dib

Qudus, (HCTV) – Muslimiinta cibaadaysanaya ayaa waxa ay galayeen masaajidka Al-Aqsa iyo xayndaabkiisa si ay ugu cibaadaystaan kadib arkii loo xidhay Masaajidkaasi Barakaysan cudurka faafaya ee Coronavirus.

Golaha Muslimiinta ee Waqf, ayaa sheegay in fiditaanka Fayrasku uu hoos u dhacay, taasina ay keentay in la qaado xanibaadihii saarnaa.

Hase yeeshee Jordan ayaa iyadu magacoowday gole sidoo kale soo roga xanibaado lagu qiimaynayo si hoos loogu dhigo khatarta Goobta saddexaad ee barakaysan ee Islaamka. Waxaanay tilmaameen in dadka ku cibaadaysanaya masaajidka Al-Aqsa ay xidhaan Maradka Afka iyo Sankka lagu daboolo ee face masks iyo inay la yimaadaan goobta Sijaayad gaar ah oo qofku uu soo qaato si uu u dhigto dhulka ama Masaajidka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.