Isimada Puntland Oo Ku Guulaystay Inay Isku Keenaan Madaxweynaha Deni Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Khilaaf Ka Dhexeeyo

Garoowe, (HCTV) – Isimada Puntland ayaa maanta ku guulaystay inay markii ugu horeysay is horkeenaan madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, kuwaas oo uu ka dhexeeya khilaaf ka dhashay dhinaca wada shaqaynta.

Isimada Puntland ayaa shalay illaa doraad kulamo gooni gooni ah la qaadanayay labada masuul waxayna mid kaste ka dhegaysanayay waxyaabaha keenay khilaafka iyo sida ugu haboon ee lagu xallin karo.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa haatan lagu dhex dhexaadinayaa kulan ka socda xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka xarunta barlamaanka iyo hareeraheeda.

Isimada Puntland ayaa mar kasta ah hay’adda ugu sareysa ee u taagan xallinta khilaafyada caynkaan oo kale ah, waxayna horey xal uga gaareen khilaafyo dhexmaray madaxda Puntland.

Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlay khilaafka ayaa cambaareeyay dadka buunbuuninaya khilaafkaas wuxuuna sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa ay isku qabteen arimo shaqada la xidhiidhta ayna tahay wax dhici jiray oo laga heshiindoono.

Khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiiisa ayaa noqday hadal haynta ugu badan degaanada Puntland, waxaana uu saameyn ku yeeshay shaqooyinkii iyo kulamadii golaha wasiiraddu yeelan jireen.