Somaliland: Xanuunka Covid_19 Oo Si Xawli Ah U Faafaya Iyo Tirada Dadka Maanta Laga Helay

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay Tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasaaraddu waxay sheegtay in baadhitaan loo sameeyay 80 Qof, Xanuunka laga helay 26 ka mid ah, taasina waxay Tirada guud ee Dadka uu Xanuunku ku haleelay Somaliland ka dhigaysaa 358 Qof.

26-ka Qof ee laga helay Xanuunka ayaa 22 ka mid ahi u dhasheen Somaliland, halka 4-na yihiin Hindi.

Dadka Xanuunka laga helay 19 ka mid ah waa Rag, halka 7-na yihiin Dumar, waxayna 13 ka mid ahi deggan yihiin Magaalada Hargeysa, 7 Boorama deggan iyo Lix ku nool Magaalada Berbera, sida Wasaaraddu shaacisay.

Tirada Dadka Xanuunka ka bogsaday ee Wasaaraddu shaacisay waxay dhan tahay 5 Ruux, taasina waxay Tirada guud ee Dadka Xanuunka ka bogsaday ka dhigaysaa 48.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)

(20jir ilaa 29jir = 9 qof)

(30jir ilaa 39jir = 7 qof)

(40jir ilaa 49jir = 6 qof)

(50jir ilaa 59jir = 1 qof)

(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka