Dagaal Ciidamada Somalia Iyo Al-Shabaab Ku Dhexmaray Buurdhuubo

Buurdhuubo, (HCTV) – Wararka ka imanaya degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in  halkaasi uu ka dhacay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta maamulka degmada,  iyagoo iska caabbin kala kulmay ciidamada dowladda Somalia ee halkaasi ku sugan.

Baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ee Al-shabaab taageera ayaa waxay baahiyeen in markii weerarka lagu qaaday xaruntaasi uu ku sugnaa Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo, balse uu uga badbaaday si dirqi ah sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay Maamulka degmadaasi iyo guud ahaan kan Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka oo qaar kamid ahi taleefanka kula hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta Somalia ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa rasaas culus oo la isweydaarsaday,  balse aaney sheegi karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Al-shabaab ayaa dhowr todobaad ka hor weerartay bar ay deganaayeen ciidamada Soomaaliya ee ku taalla isla degmadaasi,  walow ay saraakiisha ciidamadaasi ay sameeyeen iska caabbin xooggan.