Golaha Sare Ee Arrimaha Islaamka Ethiopia Oo Ku Baaqay In La Wadaago Biyaha Niil-ka

Addis Ababa, (HCTV) – Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya (EIASC) ayaa Khamiista maanta ku baaqay in si nabad ah loo xalliyo arrinta wadaagga biyaha wabiga Niil-ka, oo khilaaf kala dhex dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Muranka u dhexeeya saddexdan dal ayaa salka ku haya Mashruuca dhismaha Biyo Xidheenka Ethiopia ‘The Great Renaissance Dam’ (GERD) oo ay ku baxayso $5bilyan oo Doolar.

Bishii February ee la soo dhaafey, wadahadallo saddex geesood ah oo Maraykanku maalgeliyey oo u dhexeeyey Itoobiya, Masar, iyo Suudaan ayaa la joojiyay ka dib markii Itoobiya ay ka baxday, eedana ay u jeedisay waaxda maaliyadda Maraykanka oo ay ku eedaysay inay garab istaagto Masar halkii ay dhexdhexaadin ka sameyn lahayd.
Xiisadaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Masar ay bilawday olole diblomaasiyeed oo aad u weyn. Waxay xitaa ku hanjabtay inay adeegsanayso awood dagaal oo ka dhan ah Itoobiya, waxaanu webiga Niil uu ku biiriyaa 86% biyaha Niilka Buluuga ah.
Mufti Hajji Omar Idiris oo ay wehelinayaan culimada kale ee diinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku yidhaahdeen: “Ethiopia wali may isticmaalin biyaha wabiga Niil mana aha inay wax yeelayso markay bilaabaan adeegsiga biyaha.”
Omar oo ah nin lagu ixtiraamo Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu u diidi doonin biyaha Suudaan iyo Masar inay la wadaagaan. Waxaanu yidhi “Itoobiyaanku waxay isku dayayaan inay u adeegsadaan biyaha Abbay (magaca Itoobiya ee loo yaqaan ‘Blue Nile’) si macquul ah oo sinnaan ah,” ayuu yidhi.
Dalka Ethiopia oo ah wadan ay ku noolyihiin in ka badan 110 milyan ayaa ah wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa marka laga yimaado dalka Nigeria. Waxay kaloo leedahay 35% Muslim ah, oo ah tan ugu weyn Sub-Sahara Africa marka la eego tirooyinka.
“Masar waa in aanay ku dhaganaanin mawqifkeeda isticmaalka biyaha Niil oo keliya,” ayuu yidhi. Cumar wuxuu sheegay inay u eg tahay uun hadal heersare ah, oo aan taageerin Shareecada.
“Dadka Itoobiya waxay leeyihiin xuquuq bini aadam, mid diineed, mid sharciyeed iyo mid dabiici ah oo ay kaga faa’iideystaan ​​kuna hormariyaan kheyraadkooda dabiiciga ah ee uu Eebbe siiyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Golaha Muslimiinta ee dalka Ethiopia ee EIASC.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in inkasta oo uu dheer yahay xidhiidhka dhaqaale, bulsho iyo diimeed ee ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya, aragtida kali talisnimada Masar ee ku saabsan adeegsiga biyaha Niil ayaa gebi ahaanba hakad gelisay wada hadalada ilaa hada socda.
Bayaanka ayaa ka codsaday dowladaha Masar iyo Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha diinta in ay noqdaan Muslimiin ama Masiixiyiin Orthodox ah, in ay sameeyaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii u dhexeeyay saddexda dal si loo helo xal nabadeed oo ku saabsan biyaha Niilka ee ku saleysan caddaaladda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.