Hogamiyaha Xisbiga RAAD Ee Djibouti Oo Ka Waramay Xaaladihii U Dambeeyey Ee Dalkaasi Oo Dibadbaxyo Ay Ka Socdaan

Djibouti, (HCTV) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee RAAD ee dalka Djibouti Cabdiraxmaan Maxamed Geelle oo u waramay Telefishanka HCTV ayaa ka waramay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Djibouti oo labadii maalmood ee u dambeeyey ay ka socdeen dibadbaxyo ay dadku dhigayeen oo lagaga soo horjeedo tacadi dawladda Ismaaciil Cumar Geelle ay u gaysatay Askari ka tirsan ciidamada Cirka ee dalkaasi.

Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Raad oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Sida lagu yaqaano wadamada macangagu ka taliyaan ama talisyada adadag ee Dimuqraadiyadu aanay ka jirin dimuqraadiyadu, dalkayaga waxa ka jira maamul adag  oo tacadi joogto ah ku sameeya hadii ay tahay xoogaga Mucaaridka iyo hadii ay tahay dadka Xuquuqal Insaanka u dooda, iyo cid kasta oo dulmiga diidaba.

Waxa jirta Askari reer Djibouti ah oo la yidhaa Fuaad Yuusuf Cali oo tacadi loo gaystay oo dalka ka cararay, laakiin nasiibdaradu ay noqotay markii la soo celiyey ee Ethiopia ay soo dhiibtay in Cadaadis lagu sameeyo oo jidh dil lagu sameeyo Musqulna lagu sameeyo waa wax Bani’aadantinimada, damiirka iyo dadnimada ay ka soo horjeedo sida uu muuqaal uu ku baahiyey baraha bulshada, Fu’aad xadhigiisa xaaladiisa waa laga dayrinayaan,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee dalka Djibouti ee RAAD,  Cabdiraxmaan Maxamed Geele oo u waramayayey HCTV, waxaanu intaasi ku daray in labadii maalmood ee u dambeeyey ay dalka Djibouti ka socdaan dibadbaxyo lagu diidan yahay arimahaasi oo dadweynuhu ay muujinayaan cadhadooda iyo xaqdarada Askarigaasi Muwaadinka reer Djibouti ah.