Ciidamada Faransiiska Oo Dilay Hoggaamiyihii Al-Qaeda Ee Waqooyiga Afrika

HomeSomali News

Ciidamada Faransiiska Oo Dilay Hoggaamiyihii Al-Qaeda Ee Waqooyiga Afrika

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo
Amb. James Swan Oo Somaliland Ku Bogaadiyey Siday Diyaar Ugu Tahay Qabashada Doorashooyinka Isku-Sidkan
Duqii Muqdisho Oo U Geeriyooday Dhaawac Dalka Dibeddiisa Loo Geeyay
Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Maayar Soltelco Cidna Aanu Dacwad Ka Gudbin Karin
Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Muuse Ku Eedeeyey Cabudhin Shacabka Awdal Ay Ku Hayso

Mali, (HCTV) – Faransiiska ayaa sheegay inay hawlgal ka dhacay Mali ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika Cabdelmalek Droukdel.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska, Florence Parly ayaa sheegtay in Cabdelmalek  Droukdel oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah kooxdiisa Lagu dilay waqooyiga dalka Mali.

Waxaanay intaasi ku dartay in sidoo kale ciidamada Faransiisku ay qabteen Hoggaamiye sare oo ka tirsan Kooxda dawladda Islaamka ee Mali, hawlgal bishii May ay ciidamada Faransiisku qaadeen. “Ciidamadayadu, iyagoo kaashanaya saaxiibadooda ku sugan Sahel, waxay sii wadi doonaan ugaadhsiga aan nasashada lahayn,” ayay tidhi.

Madaxa al-Qaacida ee Maghreb wuxuu mas’uul ka ahaa dhammaan wixii ka dhacay Waqooyiga Afrika wuxuuna sidoo kale Hoggaamiye u ahaa al-Qaacida Sahel, Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Taliyihii kooxda la qabtay ee Dawladda Islaamiga ah, ayaa isagana magaciisa lagu sheegay Mohamed Mrabat, wuxuu ahaa jihaad-doon halyeey ah wuxuuna door weyn ku lahaa Kooxda Islaamiga ee the Greater Sahara (ISGS), ayay tidhi Ms Parly, waxaanay intaasi raacisay in la qabtay 19 May.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS