Somaliland: Laba Qof Oo U Dhintay Covid_19 Iyo 29 Cusub Oo Laga Helay

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumrinta Caafimadka Somaliland ayaa ku dhawaaqday Kiisas cusub oo Cudurka Covid_19 ah.

Wasaaraddy waxay sheegtay in Dad baadhitaan lagu sameeyay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Xanuunka laga helay 29 ka mid ah halka laba Qofna u Geeriyoodeen Xanuunka.

29-ka Qof ee laga helay Xanuunka ayaa tirada guud ee Dadka uu gudaha Somaliland ku haleelay Xanuunku ka dhigaysa 413 Qof, halka labada Qof ee Geeriyoodayna tirada Dadka Xanuunkan ugu dhintay Gudaha Somaliland ka dhigaysa 24 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka