New Zealand Oo Illaa March Aan Lagu Arag Kiis Covid_19 Ah Iyo Sucuudiga Iyo Pakistan Oo Dhibaato Soo Food-saartay

Hargeysa (HCTV) – Dalalka Sucuudiga iyo Pakistan ayaa Xanuunka Covid_19 uu faro-baas ku hayaa Shacabkooda.

War-bixinihii u dambeeyay ee xanuunka ayaa sheegaya in Dalka Pakistan uu Xanuunku ku dhacay Dad ka badan 100,000 Qof, ka dib markii Axaddii Shalay Xanuunka laga helay 4,728.

Sidaasi oo kale, Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa laga dareemayaa dhibaatada xanuunka Covid_19, ka dib markii Shalay laga helay Dad ka badan 3000, taasi oo tirada Dadka Sucuudiga ku sugan ee Xanuunka laga helay ka dhigtay in ka badan 100.000.

Sucuudiga ayaa waxa Xanuunku ku dilay Dad ka badan 7000 Qof, laakiin waxa jira Dad uu Xanuunku ku dhacay oo ka bogsaday, sida ay baahisay Al-jazeera oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Taa Beddelkeeda, Dawladda New Zealand ayaa ku dhawaaqday inay ka fayoobaatay Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Caafimaadka ee New Zealand ayaa sheegay in dalkiisa oo hore loo geliyey mid ka mid ah Xayiraadihii ugu adkaa Dunida oo dhan in hadda aanu ka jirin Kiis Xanuunkaasi ah laga helay illaa 22 March oo kiiskii u dambeeyay laga diwaangeliyey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka