Madaxweynaha Dalka Burundi Pierre Nkurunziza Oo Geeriyooday

Gitega, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa u geeriyooday wadne xanuun, sida ay sheegtay dowlada dalkaasi.
Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka Salaasadii, ayay dowladdu waxay ku dhawaaqday in murugo weyn ay u tahay dadka reer Burundi geerida Nkurunziza, oo 55 jir ah.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda, Nkurunziza ayaa galabnimadii Sabtida ka qayb galay ciyaar kubbadda laliska ah, waxaana loo qaaday xiligaasi cisbitaalka kadib markii uu xanuunsaday.
In kasta oo uu u muuqday inuu ka soo kabanayo Axaddii oo uu la hadlay dadkii ku xeeraa, ayaa hadana xaaladdiisu si kadis ah ay uga sii dartay subaxnimadii Isniinta.

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa ku dhintay cisbitaal ku yaal Karuzi, bariga daka Burundi.
Dowladdu waxay sheegtay in ay jiri doonto muddo baroordiiq qaran ah oo socon doonta muddo toddobo maalmood ah laga bilaabo Salaasada maanta.

Madaxweynahan geeriyooday oo talada dalkaasi hayey tan iyo 2005, ayaa waxa la filayey in bisha August uu badalo siyaasiga xulafada ah Evariste Ndayishimiye, oo horaantii bishaan lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee 20-ka May.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.