Madaxweyne Ku Xigeenka DDS Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Golaha Sare Ee Federalka Ethiopia

Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweyne ku Xigeenka Dawladd Deegaanka Soomaalida, mudane Aadan Faarax ayaa maanta loo doortay gudoomiyaha Golaha Sare ee Federaalka Ethiopia.

Xilkan loo doortay Mr. Aadan Faarax ayay dhawaan iska casishay haweenay la yidhaa Qeeriya Ibraahim oo sababta is-casilaadeeda ku sheegtay inay saluugtay siyaasadda Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dhinaca kale Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia ayaa Muddo kordhin xileed u Sameeyay xukuumadda iyo golaha shacabka ee Federaalka Ethiopia, waxaa sidoo kale xilka loo kordhiyay dhammaan Baarlamaanada iyo Xukuumadaha ka taliya ismaamulada ka jira dalka Ethiopia oo dhan.


Xubnaha Golaha Sare ayaa u codeeyay in goleyaashaasi ay xilka sii hayaan inta la qabanayo doorashooyinka soo socda oo qorshaysan inay qabsoomaan 9 ilaa 12 bilood gudahood.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.