Marwada 1aad Ee Burundi Oo Dalkeeda Dib Ugu Soo Noqotay Kadib Markii Saygeedu Dhintay

Nairobi, (HCTV) – Marwada 1aad ee dalka Burundi Denise Nkurunziza ayaa dalkeeda dib ugu soo noqotay kadib markii ay ka soo kicitintay dalka Kenya markii uu geeriyooday Saygeeda oo ahaa Madaxweynaha dalka Burundi, hase yeeshee Marwada ayaa la dhigay cusbitaal Kenya ku yaala.

Warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa ku warantay in Marwada koowaad ay ka soo dagtay madaarka the Melchior Ndadaye International Airport ee ku yaala in Bujumbura fiidnimadii Salaasadii.

“Denise Bucumi Nkurunziza ayaa dalkeeda soo gaadhay iyadoo saarnayd diyaarad gaar ah oo shirkadda Phoenix ay leedahay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Safiirka Kenyan u fadhiya Burundi Ken Vitisia uu ka mid ahaa dadka ku qaabilay Madaarka.

Hase yeeshee Marwada Koowaad ayaa loola cararay cusbitaalka Aga Khan Hospital, ee ku yaala magaalada Nairobi May 27, balse masuuliyiin Burundian ah ayaa ka gaabsaday nooca xanuunka ay Marwadu la soo daristay ee keentay in cusbitaalka loola cararo, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu Coronavirus ahaa, balse xafiiska Madaxtooyada Burundi ayaa beeniyey in Marwada uu ku dhacay coronavirus.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.