Raysal-wasaarihii Suuriya Oo Xilka Laga Eryey

Suuriya (HCTV) – Madaxweynaha dalka Suuriya bashaar Al Asad ayaa xilkii ka qaaday Raysal-wasaarihii dalkaasi Imad Khamis.

Madaxweyne Bashaar Al Asad ayaa markii uu Xilka ka qaaday Raysal-wasaare khamiis wuxuu booskiisii u Magacaabay Wasiirka Biyaha ee Xukuumaddiisa Hussein Arnous

Sidaana waxa lagu caddeeyay War-saxaafadeed kooban oo ay Khamiista Maanta baahiyey Warbaahinta Dawladda Suuriya.

Ma jirto ujeeddo la sheegay oo xilka looga qaaday Mr. Khamis oo xilka hayey illlaa sannadkii 2016-kii.

Sida Caadiga ah waxa Raysal-wasaaraha Suuriya laga soo Magacaabaa ama laga soo xulaa Bulshada Suniyiinta oo ah aqlabiyadda Bulshada ku nool Suuriya, laakiin Siyaasiyiintii u dambeeyay ee xilalkaa ka qabtay ma lahayn awood sababta oo ah awooddu waxay gacanta ugu jirtaa Madaxweyne, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka