Wasiirka Beeraha Oo Qalab Loogu Talo-galay La Dagaalanka Ayaxa Kala Wareegay World Vission

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed ayaa Hay’adda World Vission International kala wareegay Qalab loo adeegsado la dagaalanka Ayaxa.

Qalabkan oo daba socday Qalab ay Hay’addu hore ugu wareejisay Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa wuxuu Wasiirku uu ka guddoomay Madaxa Hay’addaasi ee Somaliland.

Qalabka ayaa isugu jira 7 Shay oo kala duwan, sida Madaraqyo iyo Majarafado loogu talo-galay inay adeegsadaan Kooxaha la dagaalanka Ayaxa u qaabilsan Wasaaradda, Moobiilo loo adeegsado ururinta xogta Ayaxa iyo Qalab kale oo muhiim u ah Hawl wadeennada Wasaaradda Horumarinta Beeraha u qaabilsan la dagaalanka Ayaxa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa u Mahad-celiyey World Vission International.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka