Somaliland: 46 Qof Oo Covid_19 Laga Helay 48 Saacadood Ee U Dambeeyay

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay tirada dadka xanuunka Covid_19 laga helay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay 

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadkii baadhitaanka lagu sameeyay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Xanuunka laga helay 46 ka mid ah.

Waxa kale oo ay Wasaaraddu sheegtay un hal qof u dhintay xanuunka 48-kii Saacadood ee u dambeeyay, taasi oo tirada dadka uu xanuunku ku dilay Gudaha Somaliland ka dhigaysa 27 Qof.

46 Qof ee xanuunka laga helay ayaa tirada guud ee dadka uu gudaha Somaliland xanuunku ka haleelay ka dhigaysa 550 Ruux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA