Xisbiyada Mucaaradka Ethiopia Oo Qaadacay Muddo Kordhinta Xisbiga Talada Haya

Jigjiga, (HCTV) – Xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia ayaa qaadacay go’aankii Golaha Aqalka Sare uu 10-kii bishan June ugu kordhiyey muddada xilka uu haynayo xisbiga talada haya, ee la xidhiidha walaaca Covid19.

Qoraal ay sii daayeen OLF, OFC iyo ONLF waxay si wada jir ah u cambaareeyeen go’aan doorashada dib loogu dhigay waxayna ka digayaan in Itoobiya ay galayso marxalad keeni doonta qalalaase siyaasadeed oo khatar ah.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan sheegno welwelkeenna ah in kacdoonno ballaadhan oo rabshado isu beddeli kara ay kicin karaan, waxaa sidoo kale adkaan doonta in la xakameeyo,”ayaa lagu yidhi qoraalka wadajirka ah.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay go’aanka Golaha Shacbiga ee ah in dib loo dhigo doorashada 2020 iyo kordhinta waajibaadka dowladda iyo hay’adaheeda oo ka baxsan waxa dastuurka uu ogolyahay.

“Annaga oo ka walaacsan nabadgelyada dadweynaha, Si kastaba ha noqotee, waxaan aaminsanahay in muddo-kordhin kasta oo loo sameeyo xukuumadaha xilligan jira inay ahayd in lagu maro hanaan loo wada dhan yahay iyo wadatashi taasoo dhalisa is afgarad siyaasadeed halkii laga gaadhi lahaa go’aan mideysan oo hal xisbi ay ku xukuntay baarlamaanka laba geesood ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ONLF.

ONLF ayaa ugu yeedhay dowladda inay wada hadal deg deg ah oo dhameystiran la yeelato dhammaan kooxaha mucaaradka.