Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

HomeSomali News

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

Somaliland: Agaasime U Shaqo Tagay Xafiiskiisii Oo Hanti-dhowrku Xidhay
Milletariga Suudaan Oo 9 Qof Toogasho Ku Dilay
Madaxweyne Trump Oo Urur Argagixiso U Aqoonsanaya Ikhwaanul Muslimiin
Gudidada Nabadaynta Colaada Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Colaadu Marayso.
IRAN Oo Siidaysay Laba Qof Oo Basaasnimo Ku Eedaysnaa

Jabuuti, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski.

COMMENTS