Puntland Oo Sheegtay In Aanay Raalli Ka Noqonayn Natiijada Shirka Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socda Jabuuti

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Dalka Jabuuti.

Madaxweyni Deni oo oo khudbad ka jeedinayay Furitaanka Kala fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aanay Puntland ahaan Raalli ka noqonayn natiijo kasta oo ka soo baxda shirka ka socda Jabuuti.

Madaxweyne Deni oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan caddaynaynaa inaan raali ka noqon doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda shirka ka socda waddanka jabuuti ee u dhaxeeya Somaliland iyo Dowlada Federalka”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka