Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Maanta Kulankoodii 2aad Ku Yeeshay Dalka Jabuuti

Jabuuti, (HCTV) – Wajigii labad ee Wadahadladii u dhaxeeyey Jamuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti oo maanta mar kale dib u furmay oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa Dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan.

Waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno baanu u nimi idinkana sidaa iyo si lamida ayaanu idinka doonaynaa, Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa.

Intaasi ka dib Madaxweynayaasha ayaa ka baxay goobta waxaana kulanka isku horfadhiya guddiyadii farsamo ee loo saaray shirkaasi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.