Soomaaliya: Ciidammada Soomaaliya Oo Toddobaad Gudihii Ku Dilay 50 Al-shabaab Ah

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa dilay 13 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Hawl-galka lagu dilay dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsanaa ayaa ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka mid ah Ciidammada Soomaaliya.

Cali Maxamdd oo ah Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidammada xoogga dalka Somaaliya ayaa weriyeyaasha u sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen Afmadow ay ku dileen 13 dagaalyahannada Al-shabaab.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay in Al-shabaab isku dayday inay iska caabbin samayso, balse laga xoog-roonaaday lagana dilay 13.

Hawl-galka ayaa dhacay Sabtidii Toddobaadkan, sida ay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

7-dii June hawl-gal ay Ciidammadu ka fuliyeen degmada Xudur lagu dilay 37 dagaalyahannada Al-shabaab.

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka