Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Xukuumaddii Axmed-siilaanyo U Dhiibtay Jabuuti

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Muwaadin reer Somaliland oo Xukuumaddii Axmed-siilaanyo u dhiibtay Dawladda Jabuuti.

Madaxweyne Biixi oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo Wefti uu hoggaaminayey Jabuuti u tageen Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo dib loo ambo-qaaday, ayaa sheegay inuu Dawladda Jabuuti kala hadlay Kiiska muwaadin Magaciisu yahay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, kaasi oo muddo 7 sano ku dhow ku xidhan dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dawladda Jabuuti kala hadleen arrinta muwaadinkan oo caddaalad-darro tirsanaya.

Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa Xukuumaddii hore ee Somaliland ay Jabuuti ugu dhiibtay kiis la xidhiidha argagixisonimo oo lagu eedeeyay isaga iyo Rag kale, laakiin xilligaa isaga oo keliya ayaa loo dhiibay Jabuuti, halka laga reebay Raggii kiiska kula eedaysnaa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Biixi wuxuu sheegay in dib loo furayo kiiska Ninkaa loo haysto.

Maalmihii u dambeeyay waxa Warbaahintu soo gudbisay Hooyada dhashay Cabdillaahi oo ilmaynaysa isla-markaana sheegaysa in la takooray Wiilkeeda, maaddaama oo inankeeda oo kaliya loo dhiibay Jabuuti, halka Raggii kale ee ay isku kiiska ahaayeen laga reebay.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka