Madaxweyne Farmaajo Oo Maamul Goboleedada Soomaaliya Uga Warbixiyey Shirka Jabuuti

HomeSomali News

Madaxweyne Farmaajo Oo Maamul Goboleedada Soomaaliya Uga Warbixiyey Shirka Jabuuti

Ethiopia Oo Sii Daysay Ganacsade Israeli Ah Oo Xidhnaa Ilaa 2015
Shirkadda Maamusha Haamaha Shidaalka Berbera iyo Xukuumadda
Taliyihii Hore ee Sirdoonka Ethiopia Oo Baxsaday
Maraykanka Oo Dalkiisa Ka Mabnuucay Taliyihii Sirdoonka Suudaan
Al-Shabaab Oo Gubay Gaadiid U Rarnaa Shirkaddo Ganacsi Oo Kenya Laga Leeyahay

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo ku qabsoomay aaladda Internetka, oo uu Madaxweyneyaasha Dowladd Goboleedyada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.

DHAMAAD

COMMENTS