Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xilal U Magacaabay Maxamed Diiriye Xayd Iyo Muuse Jaambiir

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maxamed Diiriye Xayd, u magacaabay guddoomiyaha gobolka Togdheer, halka Muuse Faarax Jaambiirna loo magacaabay xubintii Guddida Qandaraasyada Qaranka ee uu banneeyey Badhasaabka cusubi.

Sida lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada, taas oo u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.