Ciidamo Boolis Ah Oo La Wareegay Xarunta Telefishanka StarTv Ee Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamo Boolis ahi ay la wareegeen xarunta Telefishanka Madaxabanaan ee StarTv ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ee qabsaday xarunta Telefishanka Star ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxa ay dibada uga soo saareen shaqaalihii xafiisyada xarunta Telefishanka ku sugnaa.

Maxamuud Xuseen Jaamac (Jawhar) oo ka mid ah Wariyeyaasha Telefishanka STARTV ayaa HCTV u xaqiijiyey in ciidamada Booliska ee xidhay xarunta Telefishanka Star aanay sidan wax Waaran ama Amar Maxkamadeed ah oo u ogolaanaya inay xidhaan Telefishanka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.