Hargeysa: Dab Ka Kacay Xaafad Ay Ku Nool Yihiin Dad Barakacayaal Ahi

Hargeysa (HCTV) – Dab xooggan ayaa Saaka Hiirtii hore ka kacay Xaafadda Istanbul ee Waqooy-bari Magaalada Hargeysa.

Xaafaddan oo ay deggan yihiin Dad Barakacayaal ah oo reer Somaliland iyo Soomaaliyaba ah ayaa waxa ka kacay dab xooggan, kaasi oo khasaare gaadhsiiyey Guryo badan oo Jiingado iyo Buulal ay Dad ku noolaayeen ah.

Dabkan ayaa waxa isku hawlay isla-markaana bakhtiiyey Ciidammada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo gaadhay markii dabku kacay.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Bogga uu ku leeyahay Facebook kaga hadlay arrintan ayaan sheegin in dhibaato ka soo gaadhay Dadka halkaa deggan, balse wuxuu xaqiijiyey in dabku kacay.

La Soco Wixii ka soo kordha

 

Horn Cable Tv
waaxda ONLINE-ka