Somali News

Tirada Dadka Xanuunku Ku Haleelay Gudaha Somaliland Oo Gaadhay 704

By Ahmed Cige

June 25, 2020

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Tirada dadkii Xanuunka Covid_19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 24-kii saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyay 68 Qof, 6 ka mid ahna laga helay Xanuunka.

Lixda Qof ee Xanuunka laga helay ayaa dhammaantood reer Somaliland ah, waxayna kala yihiin 5 Rag ah iyo 1 Dumar ah.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 3 qof) (30jir ilaa 39jir = 2 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 5 qof iyo Ceerigaabo oo ah 1 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Lix iyo Konton (156).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka