Wasaarada Shaqo Galinta Somaliland Oo Sheegtay In Shaqaalaha Dawladdu Fasax Yihiin Maalinta Sabtida Xuska 26-ka June Awgeed

Hargeysa, (HCTV) – Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in iyada oo fulinaysa xuquuqaha Fasaxa ee uu waajibiyey Xeerka Shaqaalaha Raydika ah ee Xeer Lr 31.2004 in ay ku wargalinayso dhamaan shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland inay fasax noqon doonaan maalinta Xuska xoriyadadda Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan 26-ka June 2020. Fasaxaasi waxa uu ku beegmay sanadkan maalin Jimce ah. Hadaba sida uu tilmaamayo Xeerka shaqaalaha Rayidka ah Qodobka 17aad in maadaama oo fasaxu uu ku beegmay maalin Jimce ah in shaqaaluhu ay fasax noqon doonaan Maalinta Sabtida ah.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa u dhignaa sidan: