Iran Oo Soo Saartay Waaran Lagu Xidhayo Trump, Interpol-na Waydiisatay Inay Ka Gacan Siiso

Tehran, (HCTV) – Dawladda Iran ayaa soo saartay waaran xadhig ah, waxaanay Booliska caalamiga ah ee Interpol ay waydiisatay inay ka gacan siiso xadhiga Madaxweynaha dalka Maraykanka President Donald Trump iyo xubno kale oo la rumaysan yahay inay ka dambeeyeen weerar dhinaca cirka ah oo loo adeegsaday diyaarada aan duuliyaha lahayn ee drone-ka oo lagu dilay Taliyihii ugu sareeyey ciidamada Iran oo ku sugnaa caasimada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Dacwad Oogaha Tehran Mr Cali Alqasimehr ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in Trump, oo ay weheliyaan 30 xubnood oo kale, ay Iran ku eedaynayso inay ku lug lahaayeen dilkii January 3 lagu dilay General Qassem Soleimani, inay wajahaan eedaha dilka iyo Argagixisada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee ISNA.

Alqasimehr muu shaacin magaca cid kale oo aan Trump ahayn, balse wuxuu iftiimiyey in Iran ay sii wadayso dacwaddaasi xitaa marka uu dhammaado mudo xileedka Madaxweynaha.
Interpol, oo fadhigeedu yahay magaalada Lyon, ee Faransiiska, kama jawaabin codsi Iran.
Alqasimehr ayaa sidoo kale laga soo xigtay isagoo leh Iran waxay bixisay “ogeysiin adag” in loo dhigo Trump iyo kuwa kale, ogeysiiska heerka ugu sarreeya ee ay soo saartay Interpol, oo codsanaya in la raadiyo goobta iyo qabashada shaqsiga la magacaabay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.