Somaliland: Fanaanka Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo Geeriyooday

HomeSomali News

Somaliland: Fanaanka Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo Geeriyooday

Hay’adda World Concern Oo Kaalmo Gaadhsiiyay Deegaanka Laasa Daar
Madaxwayne Ku Xigeenka Galmudug Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aamadii Shirkii Maamul Goboleedyada.
Dab Ka Holcaya Kaymaha Dalka Australia Oo Khasaare Sababay
Saddex Qof Oo Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Fadhigaab Oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag
Paris: Nin Toogasho Ku Dilay Mudalab Cunto Kala Habsaamay

Hargeysa (HCTV) – Ilaahay ha u naxariistee waxa Galabta Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ka mid ahaa Fanaaniinta reer Somaliland.

Fanaanka oo ka mid ahaa Fanaaniinta Caanka ah Soomaalida, Tobannaankii sanadood ee u dambeeyayna ku noolaa Somaliland ayaa ku Geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo Maalmihii u dambeeyay xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey.

Maxamed Maxamuud Cige (Busi) ayaa lahaa Heeso badan oo Caan ah, kuwo Waddani ah, Nebi amaan iyo kuwo Jacayl ahba.

Busi ayaa xilligan ahaa Agaasime ku-xigeenkii Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

La Soco Taariikhda Fanaanka oo aanu idiin soo gudbin doono.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS