Dad Ku Dhintay Qarax Maanta Ka Dhacay Baydhabo

Baydhabo (HCTV) – Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku dhintay Qarax Sabtida Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Warar ka imanaya Caasimadda Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ee Baydhabo ayaa sheegaya in Qarax loo adeegsaday.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada 5 Ruux, waxaana jira dhaawacyo intaa ka badan.

Qaraxan ayaa ku dhacay Saacad ka hor Qarax ka dhacay Meel aad ugu dhow Dekedda Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxa Baydhabo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA