Deg-deg: Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekedda Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxa lagu qarxiyey xarunta cashuuraha Magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Goobta Qaraxu ka dhacay Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa dhinaca ku haysa Saldhigga Booliska ee Degmada Xamar Jajajab.

Weerarkan oo dhacay Abaaro 8:30 subaximo ayaa la sheegay inuu khasaare badan geystay.

La soco Warkan oo daahfaahsan

 

Horn Cable Tb

WAAXDA ONLINE-KA