Soomaaliya: Diyaarad Shil Ku Gashay Garoonka diyaaradaha Ee Baardheere

Baardheere (HCTV) – Diyaarad kale oo ka diiwaan gashan Kenyan ah ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Flightrader24, diyaaradda waxaa iska leh shirkadda Buff Air oo dib loo aasaasay sanadkii 2015 iyadoo bixisa adeegyo xamuul iyo rakaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu uu taayir ka gubtay markii ay isku dayday inay ka degto garoonka diyaaradaha. Lama sheegin cid wax ku noqotay.

Waa diyaaraddii saddexaad oo ka diiwaangashan Kenya oo shil ku gasha Soomaaliya.

4 May, diyaarad ay lahayd shirkadda African Express, ayaa ku burburtay meel u dhow degmada Bardaale ee gobolka Bay

Diyaaraddaas waxaa soo riday ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn howlgalka Amisom, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa.

Isniintii, May 25, diyaarad kale Kenya ah, oo sumadeedu tahay 5Y-VVA, ayaa lagu rasaaseeyay iyadoo ku sugnayd Qansaxdheere, Gobolka Bay ee Soomaaliya.

 

Horn Cable

Waaxda ONLINE-ka