Wefti Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Eritrea Oo U Socdaalay Masar

Cairo, (HCTV) – Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Eritrea President Isaias Afwerki ayaa socdaal ugu ambabaxay dalka Masar, waxaanu socdaalkani oo ah mid shaqo uu qaadan doonaa saddex maalmood, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal iyo sawiro ku saabsan socdaalka Madaxweynaha Eritrea soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Madaxweynaha Eritrea waxa socdaalkan dalka Masar uu ku tagay ku wehelinaya Wasiirka Arimaha dibada ee dalkaasi Osman Saleh iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee gaarka ah Pre. Adviser Yemane G/ab. Socdaalka Qaahira ee Masuuliyiintan ayaa ku soo beegmaya xili todobaadyadii u dambeeyey Madaxweynaha Eritrea uu safaro kan la mid ah uu ku tagay dalal Ethiopia iyo Sudan.

Hase yeeshee dadka u dhuunta daloola Socdaaladii ugu dambeeyey ee Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa sheegaya inuu daaran yahay dhexdhexaadin uu ka wado khilaafka biyo xidheenka dalka Ethiopia ee ka dhex oogan dalalka Ethiopia, Masar iyo Sudan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.