Dawladda Kenya Oo Qayb Ahaan Qaaday Xayiraadaha Covid19

Nairobi, (HCTV) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xayiraadii ka qaadday dhaqdhaqaaqa saddexda magaalo ee kala ah Nairobi, Mombasa iyo Mandheera iyada oo la raacayo tilmaamaha cusub ee ku saabsan xakameynta coronavirus.

Qaaddista xayiraadda oo dhaqangelaysa 4-ta subaxnimo ee talaadada berito ah ayaa u oggolaanaysa dadka reer Kenya socdaal ay ku maraan gobollada iyada oo ay dawladdu kormeerayso xaaladda COVID-19 21-ka maalmood ee soo socda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay dhammaan duullimaadyada caalamiga ahi ay dib u bilaaban doonaan laga bilaabo 1da Ogosto, halka kuwa maxalligana ay bilaabanayaan 15ka Luulyo iyada oo la raacayo tilmaamo adag oo ku aaddan dib u furidda duulimaadka waddanka.

Kenyatta wuxuu intaas ku daray in dowladda ka laaban karto amaradaan haddii lagu guuldaraysto gudashada masuuliyada qof kasta. “Hadday xaaladdu ka sii darto oo caqabad ku noqoto nidaamyadeena caafimaad, waa inaan ku laabanaa qufulka. 21-ka maalmood ee soo socda, waxaan daraasad ku sameyn doonnaa qaababka isdhaxgalka iyo faafitaanka cudurka, inagoo eegayna wixii isbeddel ah ee tilmaamaya inay ka sii dareyso masiibada,”ayuu yidhi Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya wuxuu kula taliyay dadka reer Kenya in ay dib u dhigaan isu socodka safarka ee aan loo baahnayn, balse ay sameeyaan jimicsi looga hortago faafitaanka fayraska gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib afar bilood oo lagu jiray xannibaadda coronavirus ah, kaasoo baabi’iyay ilahii muhiimka ahaa sida dalxiiska.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.