Tahriibta Hantiilayaasha !! W/Q: Abwaan Sooraan

Horta Shirarkii jaraa’id ee aan maqal iyo muuqaal ku qanab jiray waa la’igu soo kadiyay oo dadkiiba Facbook ayay ku wada qabteen Shir-jaraa’id.

Wasiir cid kale u jawaabay Shir-jaraa’id buu ku jawaabayaa ka dhul laga qaaday Shir-jaraa’id buu ku hadlayaa, Islaan raashin ka qaday Shi-jaraa’id bay qabanaysaa, oday islaantiisii oo xalay hadashay beeninayaa Shir-jaraa’id buu isna xidhiidhka Internet-ka live ka soo galayaa, mid cadhaysan iyo ku cabanayaaba Shir-jaraa’id ayuu qabanayaa.

Markaa maanta waxaan is idhi uga guur oo Shirkayga jaraa’id waxaan ku soo gudbinayaa qoraal ilayn magaciisiiba ayaaba ahe, markii hore ba shirkayga halkii lahayd lamaan qaban show,haddana ha’iga soo daba-guuraane Shirkayga jaraa’id waxa uu ku saabsan yahay Tahriibta Hantiilayaasha.
Eeg waxaan u jeeddaa oo ka hadlayaa Tahriibta dadka wax haysta, taas oo aan la dareemayn eeg.
Ninku marka ay wax yari isugu hagaagaan ayuu ku hamiyayaa inuu reerkiisa ka raro dalka, hooyadii kaxeeyo.

Markaan waxaan, leeyahay yaan la eeggin dadka baahan ee Tahriibay uune xal baa loo heli kuwaasi, kuwa ladan ee wadanka wax ka helay ee intii yareyd ee ay heleen dadkoodii ku tahriibiyay ee hantidii meel kale wax kaga dhistay ama gurri kaga iibsaday Turkiga kuwaas ayaa maanta u baahan in wax laga qabto

Waxaanan leeyahay, dawladdana u soo jeedinayaa waar kuwa xayraanka ahi ha inoo danbeeyaane, waa in shirkadaha iyo dadka ladan iyo gacansatada lagu xidho liisankooda shuruudo ay ka mid tahay in aanay tahriibin marka ay lacag helaan.

Ileyn marka uu soo dhameeyo anaga af-madhan yuu nagula soo noqone intaas bal aan ku joojiyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka