Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xiligan Ku Hawlan Dayactirka Wadooyinka Suuqa Dhexmara

Hargeysa, (HCTV) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu hawlan dayactirka Wadooyinka dhexmara farasmagaalaha caasimada Hargeysa, kuwaas oo si weyn u burburay, isla markaana aan wax dayactir ah lagu samayn mudooyinkii u dambeeyey ee Cabdiraxmaan Soltelco uu Maayarka Hargeysa ahaa.

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa mudooyinkii u dambeeyey dhaliilo xoogan oo muuqaalo laga soo qaaday wadooyinkaasi oo dadka lagula wadaagayo baraha bulshada kala kulmaysay wax ka qabasho la’aanta wadooyinka dhexmara Farasmagaalaha Suuqa Hoose ee Caasimada Hargeysa.

Wadooyinkaas ayay dhibaato xoogan kala kulmaan gaadiidka iyo dadweynaha ku ganacsada hareeraha Jidadka.

Dadweynaha ku dhaqan caasimada ayaa iyagu soo dhaweeyey isla markaana weyn ugu riyaaqay wax ka qabashada iyo dayactirka jidadka Suuqa caasimada Hargeysa ugu weyn dhexmara, waxaana la fili karaa in talaabadani xiligan masuuliyiinta dawladda Hoose ay waxooga ka dajiso culayska dhaliilaha dul hogganayey ee ku gedaamnaa mudada dheer ee ay joogeen.